Select Page

Forum

Xubin ka noqoshada Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed FESOJ oo bilaabmaysa

Isutagga Suxufiyiinta Soomaliyeed (FESOJ) waxa uu ku wargalinayaa Suxufiyiinta cusboonaysiinaysa xubinimadooda ururka iyo kuwa cusub ee danaynaya inay ku soo biiraan ururka, in laga bilaabo 10ka Janaayo ilaa 31ka Maarso uu ururku bixinayo fursad kale oo looga mid noqonayo FESOJ.

Waxaa sidoo kale FESOJ Xubno aan buuxin iyo xubino sharfeedyo ay siinaysaa hawlwadeenada warbaahinta, xaruumaha iyo shirkaha ku legta leh warbaahinta.

Fadlan haddaad danaynayso ku biiritaanka FESOJ waxaad magacaaga, talefankaaga, Email-kaaga, halkaad ka shaqayso iyo halkaad joogtaba noogu soo dirtaa emailkan forum@fesoj.org , markaa waxaan kuu soo dirayanaa foomka aad ku codsanayso ka mid ahaanshaha FESOJ Insha Allah.

Fill Your information here

    Pin It on Pinterest

    Shares