Select Page

Tartanka Abaalmarinta Gabdhaha Wariyeyaasha ee taariikhda halganka Makaay Garaare

Tartanka Abaalmarinta Gabdhaha Wariyeyaasha ee taariikhda halganka Makaay Garaare

            Ciwaanka mashruuca:  Tartanka abaalmarinta FESOJ 

 Magaca tartanka:

 Tartanka Abaalmarinta Gabdhaha Wariyeyaasha ee taariikhda halganka Makaay Garaare

Goobta: Muqdisho Soomaaliya

Inta uu soconayo:  28 December 2022 ilaa 6da Janaayo 2023

Maalgalinta /Hirgalinta:  FESOJ

 

Xiriirka qofeed:

Sucaad Cabdicasiis Dahir

Email: shubkaabdi1@gmail.com

 

Gogoldhigga tartanka .

 

Ururka ay leeyihin Suxufiyiinta Soomaliyeed ee FESOJ oo raadinaya in ay sii jirto taariikhda iyo magaca dadkii wadanka soo xorreeyay waxa uu waynaynayaa Magaca Makaay Garaare Celi.

Makaay waxa ay dagaalkeeda xorriyadd doonka ah ka bilowdey Shabeelaha dhexe, waxaana halgankeeda uu u badnaa dhinaca guubaabada suugaanta.

Si loo soo celiyo xasuusta Makaay Garaare Ururka FESOJ waxa uu gabdhaha Suxufiyiinta ah u qabanayaa tartan ay kaga waramayaan taariikhdeeda halganka iyaga oo diyaarinaya warbixino ay ku helayaan abaalmarin.

Ujeedooyinka Tartanka

  • In la cusboonaysiiyo tariikhada wiilashii iyo gabdhihii halganka gobanimadoonka qaybta ka ahaa.
  • In FESOJ ay ku dhiiragalinayso gabdha Suxufiyiinta ah in ay  dib u eegaan taariikhada halganka Soomaaliyeed kaalintii ay ku lahaayeen gabdhihii naftooda hurayaasha ahaa.
  • In FESOJ nuxur u yeesho shaqada Saxaafadda ee waqtiyadii dambe xoogga saartay siyaasadda is diidka leh iyo tabinta khilaafaadka.
  • In Wariyeyaasha hal abuuraan barnaamijyo cusub oo dhagaystayaashana faa’ido iyo xiisaba u yeesha.
  • In la hubiyo heerka xirfadda suxufinimo ee tartamaha iyo doorka waxbaaristiisa intay gaarsiisan tahay.

 

Mawduuca  Tartanka

Mawduucyada tartanka waa mid kaliya, waana in warbixin raadiye laga sameeyo taariikhda halganka xorriyad u dirirka  halgamaa Makaay Garaare Celi iyo Suugaanteedii guubaabada oo tartanka lagu qiimayn doono.

Dadka uu u furan yahay Tartanka:

Tartanku waxa uu u furan yahay dhammaan Gabdhaha Wariyeyaasha ah ee barnaamijyada Raadiyaha sameeya. Kuwa FESOJ ka tirsan waxay leeyihiin mudnaantooda.

 

Xeerka, Wakhtiga Iyo Shuruudaha Tartanka:

  • In uu Wariyaha ka qaybgalaya uu is diiwaan galiyo codsigiisana ku soo diro Emailka makaaygaraareaward@gmail.com laga bilaabo 28 December ilaa 30ka December 2022. Tartanka waxa uu bilabanayaa 31 December 2022 ilaa 6da Janayo 2023 oo lagu soo gudbinayo warbixin raadiye dhamaystiran.
  • Warbixinta Raadiye waxa ay noqon kartaa warbixin (Feature) ama xirmo wareed(Package) Waana in ay ahaataa 3 ilaa 4 daqiiqo (Mp3)
  • Warbixinta waa inaan hore uga bixin warbaahinta.
  • In Wariyaha ama suxufigu uu yahay Soomali ku hadla Soomaaliga
  • Tartamaha waa in uu ilaaliyaa anshaxa saxafadeed.

 

Qiimaynta

Waxaa la qiimayn doonaa, hal abuurka, heerka fahamka mowduuca, xagasha xigashada, hab qoraalka, codka wariyaha, codka la qaatay, farsamada, nuxurka, muuqaalaynta sheekada, shanqaraha, saamaynta iyo af-Soomaliga.

Cidda qiimaynaysa

Waxaa qiimayn doona Guddi ka kooban qorayaal, suugaanley iyo khabiiro Saxafadeed.

Kaalimaha  tartanka.

Abaalmarinta kaalimaha 1aad iyo 2aad

Kaalinta 1aad Koobka Abaalmarin, haddiyad lacag ah & Aqoonsiga FESOJ(ID)
Kaalinta 2aad Shahaado Sharaf, haddiyad lacag ah & Aqoonsiga FESOJ (ID)

 

Xusuusin:

Guddiga FESOJ waxa uu ka soo xulli doonaa Tartamayaasha Gabdhaha 10-ka ugu horreeya oo loo gudbinaayo guddiga qiimaynta. Guddiga FESOJ waxaa kale oo uu diyaarinayaa shax leh tiro 1- 10 god.

 

  • Qiimaynta u dambeysa

Dhamaadka tartanka Guddiga Tartanka ayaa ku dhawaaqi doona tartamaha ku guuleysta kaalinta koowaad iyo kan ku guuleysta kaalinta labaad.

 

Allaa Mahad leh

Pin It on Pinterest

Shares

Share This

Share this post with your friends!